Saddex qof ayaa lagu dilay magaalada Mombasa ee dalka Kenya kadib markii ay isku dayeen inay dab qabadsiiyeen saldhiga dhexe ee Booliska magaaladaas.
Wararka saxaafadda Kenya ay baahisay ayaa sheegaya in saddexda qof oo haween ahaa ay isku dayeen inay gubaan saldhiga booliska iyagoo adeegsanaya bansiin, waxayna ku lebisnaayeen dharka jirka oo dhan daboola ee xijaabka ama bui buis.
Taliyaha Booliska Patterson Maelo ayaa sheegay in Booliska ay su’aalo weydiinayeen saddex haween oo algu heystay Mobile la xaday, markaasoo ay mid ka mida Mindi ku tuurtay sarkaal Boolis ah, mid kalena ay bambo batrool ka sameysan ku tuurtay askari Boolis ah.
Intaas kadib waxaa dab qabsaday Saldhigga iyadoo ay ku dhaawacmeen laba sarkaal. Xaaladda Booliska ku tacaalay haweenkaasi ayaa dhaliyay in saddexdooda ka toogto.
Mid ka mida haweenka Booliska weeraray ayaa la sheegay inay xirneyn waxyaabaha qarxa oo booliska qaabilsan qarxyada ay ka fureen jirkeeda markii la dilay kadib.
Ciidamo badan ayaa la geeyay saldhiga oo xiray dhammaan wadooyinka gala, waxaana magaalada laga dareemay xaalad kacsan oo dhinac ammaanka ah.
Goobjooge.com