Friday, July 11, 2025

Saddex Qof oo Sacuudiyaan ah oo ku dhintay Madfac ay soo rideen Xuuthiyiinta Dalka Yeman

Isbaheysiga Sacuudiga ee dagaalka ka wada dalka Yeman ayaa shaaciyey in Madfac ay soo rideen kooxda Xuuthiyiinta Yeman uu saddex qof ku dilay Gobolka Jizan ee Koonfurta Sacuudiga.

Wakaalada Wararka Sacuudiga oo soo xigatay Afhayeenka Ciidamada Isbaheysiga Sacuudiga Turki Almaaliki aya sheegay in Madfac ay soo rideen kooxda Xuuthiyiinta ee Iiraan ay taageerto uu ku soo dhacay Duhurnimadii maanta degaan ay dad degan yihiin magaalada Jizan ee Koonfurta Sacuudiga.

Isbaheysiga Sacuudiga ayaa ku hanjabay inuu jawaab culus ka bixin doono weerarka Xuuthiyiinta iyo dadka rayidka ah ee ay ku dileen Koonfurta Sacuudiga.

Xuuthiyiinta Yeman ayaa Gantaallo iyo madaafiic si joogto ah ugu weerarra Boqortooyada Sacuudiga iyadoo uga jawaaba weerarrada isbaheysiga Sacuudiga ka wado dalka Yeman oo khasaare badan geysta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON