Sunday, July 13, 2025

Saddex Xarigle ka tirsan Ciidamada Milateriga oo Dil Toogasho lagu xukumay, kadib markii lagu helay..

Ciidamada Maxkamadda Qalabka Sida ayaa dil toogasho ah ku xukuntay askari saddex xarigle ahaa oo ka tirsan ciidamada Xoogga Dalka, kaasoo lagu eedeeyay inuu fal dhac ah ku dolay nin oday ah.

Saddex xarigle xoogga Cumar Muxudiin Maxamuud ayaa lagu helay Dilka Allaha Unaxariiste Marxuum Cabdullaahi Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud Abow oo ka dhacay degmada Boondheere gaar ahaan Ex Wasaaraddii Caafimaadka 20-kii September 2020.

Kiiska dilka oo ayaa Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida hor geeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka, iyadoo Xabsiga Dhexe loo gudbiyey  eedeysane Cumar Muxudiin Maxamuud, waxaana baaritaan kadib waxaa dhageysiga dacwadda la bilaabay 1-da December 2020.

Waxaa eedeysanhaa ku marqaati furay Saddex marag oo maxkamadda horteeda ka caddeeyay in Eedeysanaha uu dhac u geysanayay Marxuumka, kadibna uu sidaasi ku dilay, waxaana maxkamadda la hor keenay Warqadda Cadeynta dhimashada iyo Baarista Boliiska oo ay sameeyeen saldhiga degmada Boondheere.

Waxaa kale oo eedeysanaha uu noqday nin hore dacwad ugu qaaday Maxkamadda 1-da June 2020, laakiin dadkii dhibanayaasha ahaa ay ka noqdeen Dacwaddii ay u heysteen.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saddex Xarigle Cumar Muxudiin Maxamuud ku xukuntay Dil toogasha ah oo ah magta Marxuum Cabdullaahi Maxamed Xasan Abow.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON