Safaaradda Itoobiya ee magaalada Asmara caasimadda dalka Eritrea ayaa si rasmi ah loo furay maanta, kadib xaflad ay ka qeyb galeen madaxda labada dal.
Furitaanka Safaaradda Itoobiya ee magaalada Asmara ayaa ka danbeysay heshiiskii labada dal iyo soo celintii xiriirkii diblomaasiyadeed, waxaana xarunta safaaradda dib loo dhisay si wadajir ah u furay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA