Friday, June 27, 2025

Safaaradda Itoobiya ee Muqdisho oo tallaabo aan hore loo arag ku dhaqaaqday

Safaarada Itoobiya ee magaalada Muqdisho ayaa ku dhaqaaqday tallaabo aan hore loo arag oo ku saabsan inay war kasoo saarto dagaal degaanka Halgan ee Gobalka Hiiraan ku dhex maray ciidamada Itoobiya ka socda ee AMISOM iyo maleeshiyada Alshabaab.

Safaaradda ayaa u sheegtay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA in weerarkaasi qasaaro ba’an lagu gaarsiiyay AlShabaab waxayna bixisay tiro ku saabsan qasaaraha goobta dagaalka ka dhacay

“Weerarkaan Al-Shabaab waxaa looga dilay 120 maleeshiyo ah,  waxaa looga furtay  hub badan oo ay ka mid yihiin qoryaha AK47 oo ka badan 100 qori, Garneelada Garbaha laga rido iyo Gaadiid dagaal.” ayuu yiri Kamaaludiin Mustafa oo ka tirsan Safaarada Itoobiya ee Muqdisho.

AMISOM ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in dagaalka ay soo qaadeen Alshabaab ay iska caabiyeen kana dileen 110 askari.

Dalalka ciidamadoodu ka mid yihiin AMISOM ayaan xaq u lahayn inay war gaara ka soo saaraan howlgallada AMISOM, waxaana ciidamada Itoobiya ay hoos tagaan kuwa AMISOM ee Midowga Afrika oo ah cidda kaliya ee sharci ahaan u hadli karta ciidamada AMISOM.

Itoobiya ayaa caadiyan gooni isaga saarta ciidamada AMISOM waxaana ay qaadeen howlgallo iskood ah iyagoo si toos ah amarka uga qaata Adis ababa. Warka ay soo saartay safaaradda Itoobiya ee Muqdisho ayaa caddeyn u ah in Itoobiya ay iskeed uga howlgasho Soomaaliya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON