Wednesday, June 25, 2025

Safaaradda iyo Qunsuliyadii Mareykanka ee Magaalada Nairobi oo la xiray

Wararka laga helayo magaalada Nairobi ayaa sheegaya in la xiray safaaradda Mareykanka iyo Qunsuliyada Mareykanka ee magaaladaas.

War ay safaaraddu shaacisay ayaa lagu sheegay inay dib u shaqo bilaabi doonaan 31-ka Bishan Oktoobar, iyadoo aanay bixin faahfaahin kale.

Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii shalay la toogtay nin weerar Toorey loo adeegsadya ku qaaday askarta ilaalisa Safaaradda.

us-embassy-kenya

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegay in cid ka tirsan safaaradda aysan ku lug yeelan shilkaasi, laakiin waxaa jirta cabsi dhinaca ammaanka ah oo sare loo qaadya feejignaanta.

Safaaradda USA ee Nairobi ayaa ah tan ugu weyn Bariga Afrika, waxaana
loo ilaaliyaa si aan caadi ahayn iyadoo ay ka howlgalaan ciidamo isugu jira kuwa gaara iyo FBI-da Mareykanka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON