Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka ayaa soo saartay qoraal ku saabsan xayiraadda Mareykanku ku soo rogay dalal ay Soomaaliya ka mid tahay inay dadkoodu tagaan dalka Mareykanka.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in xayiraadda Mareykanka aysan quseynin Soomaalida heysata degaanshaha dalkaasi ee Green Card-ka. Safaaradda ayaa sheegtay inay Soomaaliya iyo Mareykanka ka wada shaqeeyaan dagaalanka lagula jiro argagixisada.
Dhinca kale Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka ayaa Guddoomiyay shir ay xaaladda cusub ee Mareykanka ka yeesheen safiirada dalalka Afrika u fadhiya dalka Mareykanka.
QORAALKA SAFAARADDA HOOS KA AKHRISO
Goobjooge.com