Monday, August 25, 2025

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo safiir la’aan ah & Safiirkii hore oo xilka wareejiyay [Sawirro]

Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya, haddana ah wasiirka Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya ayaa xilka wareejiyay iyadoo aan weli safiir loo magacaabin safaaradda.

Wasiir Jamaal Xasan Maxamed ayaa xilka ku wareejiyay Qunsulka Cali Baqadaadi, kadib xaflad ka dhacay xarunta Safaaradda ee magaalada Nairobi, wuxuuna xilka u sii wadi doonaa si kumeelgaara.

Safiir kuxigeenka Safaaradda  C/raxmaan Aadan Cusmaan Kampala oo dhowaan xilkaasi loo magacaabay ayaa la sheegay inuusan weli ogolaansho ka helin dowladda Kenya, taasoo keentay inuu sharci ahaan Qunsulka sii wado shaqada.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaan weli magacaabin xilal safiirnimo dhowr ah  oo bannaan sida safiirka Kenya, UN-ka iyo Turkiga, waxayna safaaradda Kenya ka mid tahay safaaradaha ugu waaweyn ee dowladda federaalka.

SAWIRRO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON