Friday, July 18, 2025

Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi oo joojisay dhammaan Adeegyadii ay bixin jirtay

Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi, dalka Kenya oo isu diyaarineysa in albaabada loo xiro ayaa joojisay dhammaan adeegyadii ay u heysaya dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

Ogeysiis kasoo baxay safaarada ayaa lagu sheegay in iyadoo la fulinayo go’aanka dowladda Soomaaliya xiriirka diblomaasiyadeed ugu jartay Kenya la hakiyey adeegyadii ay bixin jirtay, waxaana ugu danbeyn dadka sugayey baasaboorrada la ballamiyey Khamiista Berri.

“Iyadoo la fulinayo go’aanka dowladda, waxaa la hakiyay dhammaan adeegyadii safaaraddu bixinaysay. Qof kasta oo baasaboor dalbaday ama sugayay waxaan ogaysiinaynaa in uu soo doonto ugu dambeyn maalinta Khamiista ah..” ayaa lagu yiri ogeysiiska kasoo baxay safaraadda Soomaaliya ee Kenya.

Waxaa dalka Kenya ku nool Soomaali fara badan oo ku xirnaa adeegga ay bixiso safaaradda sida Baasaboorka iyo dokumentiga dal ku noqoshada, waxayna arrintan saameyn ku yeelan doontaa isu socodka dadka Soomaalida oo Nairobi u ahayd xarun ay sii maraan ama soo maraan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON