Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali (Sharma’arke) ayaa safar aan hore loo ogeyn oo isaga u gaara ku tegay dalka Raashiya, kaasoo la xaqiijiyay inuu madmadow soo kala dhex geliyay madaxda sare ee dalka.
Cumar C/rashiid oo u tegay dalka Turkiga shirkii dalalka Islaamka ayaa laga war helay isagoo ku sugan, magaalada Moosko ee dalka Raashiya, wuxuun ahaa safarkaasi mid isaga u qarsoodi ah oo aanay jirin cid la wadaagay, iyadoo aanay xitaa ka war heynin wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo ay ahayd inay qabanqaabiso socdaalkaasi.
Socdaalka Cumar C/rashiid ku tegay dalka Raashiya ayaa dhinac kale dharjab ku noqday madaxweyne Xasan Sheekh oo ku sugnaa dalka Mareykanka oo laf ahaantiisa laga qariyay safarkaasi.
Xogta laga helayo Villa Somalia ayaa sheegeysa in kusimaha Madaxweynaha ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan iyo madaxweyne Xasan Sheekh ay ka wadahadleen arrinta uu ku kacay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid, iyadoo lagu ballamay kulan degdeg oo Muqdisho ku yeesheen madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka marka ay dib ugu soo laabtaan madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha.