Thursday, June 26, 2025

Safiir Axmed C/salaan oo xilka laga qaaday iyo fadeexad ka dhacday Safaaradda Soomaaliya ee Addis ababa

Danjirihii Soomaaliya u fadhiyay dalka Itoobiya Axmed C/salaam Xaaji Aadan ayaa laga qaaday xilkii safiirnimo iyadoo si kumeelgaara xilkaasi loogu dhiibay inuu sii hayo mas’uul ka tirsanaan jiray xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

axmed-c-salan
Axmed C/salaam Xaaji Aadan

Xil ka qaadista Axmed C/sallaan oo horeba loo filayay markii uu noqday musharax taagan xilka madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa dib u dhigtay fadeexad ku saabsan iyo qoraalkii loo diray shan safiir inay dib  ugu soo laabtaan Muqdisho oo wasaaradda arrimaha dibadda ugu yeertay la qariyay oo mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya aysan u gudbin Safiir Axmed C/salaan iyo dowladda Itoobiya midna.

Arrinta xil ka qaadista Axmed C/salaan ayay dowladda Soomaaliya mar danbe ku baraarugtay inaysan shaqeynin iyadoo la filayay in ay dhacdo bishii July, kadib markii dowlada Itoobiya oo la filayay inay qaabisho sii-haya cusub ay su’aalo ka keentay goorta la bedelay safiirkii hore, waxayna tani dhalisay qas weyn oo ka dhacay Safaaradda Soomaalida ee Addis.

Axmed C/salaan oo dib shaqadiisii ugu laabtay markii ay dhammaatay doorashadii Galmudug ayaa ka warhelay xil ka qaadista lagu sameeyay wuxuuna damcay inuu hantida safaaradda ku takri falo, waxaana arrintan oo in muddo ah fadeexadeeda taagneyd soo dhex galay ciidamada ammaanka Itoobiya oo safiirka xilka laga qaaday ka hor istaagay tallaabadaasi.

Dhowaan ayaa lagu wadaa in sii-hayaha la magacaabay uu xilka la wareego, waxayna arrintan ka mid tahay xaalada heysta wasaaraddaha dowlada federaalka Soomaaliya iyo guud ahaan maamulka uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON