Saturday, July 5, 2025

Safiir Madaxweynaha Obama u soo magacaabay Soomaaliya oo iska diiday xilkaasi

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa dib uga noqday magcaabidii uu Katherine Simonds Dhanani bishii Feberaayo u magacaabay inay noqoto safiirka Maraykanka ee Soomaaliya. War-saxaafadeed ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu caddeeyay in arrintan.

dhanani

Wararka ayaa sheegaya in Katherine Dhanani ay ka cudur daaratay xilka loo magacaabay arrimo shaqsi ah oo aan la shaacin dartood. Halkan wararka qaarkood sheegayaan in  markii horeba aan rabitaankeeda lagu magacaabin, kadibna ay si cad u  dalbatay inaysan xilkaasi lagala noqdo.

Safiiradan ayaa noqon lahayd tii ugu horeysay ee Soomaaliya loo soo magacaabo kadib dagaaladii sokeeye, waxayna dib u dhac ku keeni kartaa xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka oo dowladda Obama ay dadaal ugu jirtay, waxaana dhowaan Muqdisho booqday xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry.

Magacaabidda Safiirada Mareykanka ayaa dhaqan galeysa kadib markii ay ansixiyaan Golaha Odayaasha Mareykanka. Obama ayaa lagu wadaa inuu safiir cusub soo magacaabo.

Goobjooge.com

 

[ad name=”HTML”]

 

[ad name=”HTML-6″]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON