Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa si degdeg ugu yeertay inay muddo toddobaad ah dalka ku soo laabato safiiradda Soomaaliya u fadhiday magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
Qoraal ka soo baxay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu amray safiiradda Faaduma C/llaahi Maxamuud (Insaniya), waxayna wararku sheegayaan inay arrintan ka danbeysay kadib markii ay gashay khalad taariikh ah oo ceeb ku ah diblomaasiyadda Soomaaliya.
Faduma Insaniya ayaa cod loo qaaday cambaareynta gardarrada Israa’iil ku heysato dhulka Buuraha Golan ee Suuriya leedahay oo ka dhacday Golaha Xuquuqda Insaanka Q/Midoobay oo Somalia xubin ka noqday, waxay dooratay inay ka aamusto, taasoo ah mowqif kasoo horjeeda siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA
