Tuesday, July 15, 2025

Safiirka cusub ee Somaliya u dirtay dalka Masar oo waraaqihii aqoonsiga laga guddoomay

Madaxweynaha dalka Masar ayaa warqadaha Aqoonsiga  danjirenimo ka guddoomay Safiirka Soomaaliya u magacawday dalkaasi ee Cabdiqani Maxamed Waceys.

Safiirka cusub oo hore u ahaa danjiraha Soomaaliya ee India ayaa dhowaan loo magacaabay ilkan cusub, kadibn markii  uu geeriyooday safiirkii Soomaaliya mudadda dheer u fadhiyay dalkaasi C/llaahi Jaamac.

Madaxweynaha Masar oo ka hadlay kulankii qaabilaadda Safiirka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Masar ay garab taagan tahay  dowladda Soomaaliya , islamarkaana safiirka looga baahan yahay in uu sare u qaado xirriirka ka dhaxeeya labada dal.

Safiirka dowladda Soomaaliya u qaabilsan  dalka Masar Mudane Cabdiqani Maxamed Waceys oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono sidii uu u sii jiri lahaa xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal , isagoo  dowladda Masar uga mahadceliyay taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON