Tuesday, June 24, 2025

Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya oo arrimo badan shaaca ka qaaday

Safiirka Britain  u fadhiya  Soomaaliya Harriet Mathews oo shir jaraa’id  ku qabatay maanta  xarunta safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho ayaa shaacisay in dowladeeda ay Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyo kala duwan oo ay ka mid tahay sidii kala guurka looga bixi lahaa iyo arrimaha hiigsiga cusub.

safiiradUK

Ms. Harriet ayaa caddeysay in dowladda Ingiriiska oo kaashaneysa beesha caalamka ay dowladda Soomaaliya kala shaqeyn doonto sidii sanadka 2016-ka lagu heli lahaa hanaan doorasho, oo oo gacan ka geysan kara  sidii loo dhameystiri lahaa hanaanka federaalka ah oo ay dowladda Soomaaliya qaadatay. UK waxay taageerada ay siiso Soomaaliya sanadkii sare u dhaaftay 100 Milyan oo Gini,

Waxay intaas ku dartay in ahmiyad la siinayo sidii sanadka soo socda ay u qabsoomi lahayd doorasho, iyadoo sheegtay inay ku faraxsan tahay in dawladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in doorasho ay  dhacd. Beesha  caalamkuna kala shaqeyn doonto xaqiijinta  arrintaasi.

Safiirka Britain ee Soomaaliya ayaa faahfaahisay ciidamada dowladda Britain ay Soomaaliya u soo direyso iyadoo sheegtay inay ka qeyb qaadan doonaan tababar siinta ciidamada AMISOM iyo ciidanka dowladda Soomaaliya, balse aysan shaqadoodu ahayn inay ka dagaalamaan aaga hore ee dagaalada.

Waxay kaloo si cad u sheegtay inay ka horjeedaan mooshinka laga keenay madaxweyne Xasan Sheekh. Danjiraha Harriet Mathews ayaa tilmaamay in UK ay tahay dalka ugu horeeya ee dhanka bani’aadanimada ka taageera Soomaaliya, gaar ahaan dhanka adeegyada caafimaadka.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON