Safiirka dowladda Ingiriiska u joogta dalka Soomaaliya Harriet Matthews ayaa maanta gaartay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka KMG ah ee Jubba iyadoo kulan la qaadatay hogaamiyaha maamulka Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe).
Socdaalka safiirada Harriet Matthews ayaa la xiriirta safarro ay ku tegeyso maamulada dalka ka jira iyado shalay booqato magaalada Baydhaba oo ay kulan kula yeelatay maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya.
Safiirada ayaa dhowaan timid magaalada Muqdisho iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee ay booqato maamulada Juba iyo K/Galbeed, waxaana la filayaa inay dhowaan tagto Hargeysa iyo Garowe.
Ingiriiska ayaa ka mida dalalka ugu waaweyn ee saameynta ku leh xaaladda Soomaaliya, iyadoo bixisa qeyb ahaan dhaqaalaha la siiyo Soomaaliya iyo kan ay helaan ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]