Sunday, July 13, 2025

Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya oo dhaqdhaqaaqyo shaki dhaliyey ka wada Magaalada Baydhaba

Safiirka dalka Itoobiya ee Soomaaliya Jamaaludiin Mustafa Cumar ayaa joogistiisa magaalada Muqdisho ay dhalisay  shaki ku saabsan dhaqdhaqaaqyo ka baxsan diblomaasiyadda.

Safiirka oo maalintii saddexaad booqasho ku joogga Magaalada Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa la sheegay inuu halkaasi u tegay iskaashigyo ganacsi waxbarashada iyo amniga oo Itoobiya la yeelaneyso k/Galbeed.

Qorshaha safiirka Itoobiya ayaa la soo weriyay inay ka mid tahay hirgelinta wado isu xiri doonta Baraawe iyo Doolow oo Itoobiya ay rajo ka qabto in la sameeyo mustaqbalka. Safiir Jamaaludiin ayaa Arbacadii  shalay Magaalada Baydhabo kula kulmay ganacsatada Koonfur Galbeed iyo xubno ka mida golaha wasiirada K/Galbeed sida wasiirada Amniga iyo Waxbarashada.

Wuxuu kaloo safiirku booqday Xarunta Telefishinka Koonfur Galbeed isgoo uu la socdayWasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay), halkaasoo uu shir jaraa’id ku qabtay, isagoo ku faahfaahiyey qorshihiisa socdaalka magaalada Baydhaba.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON