Soomaaliya ayaa loo doortay Guddoomiya ku xigeenka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kulankooda weyn ee 75-aad (2020/2021).
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) ayaa loo doortay xilka guddoonka shirweynaha Golaha loo dhan yahay ee Q/Midoobay ee UNGA.
Danjire Abuukar Baalle ayaa muddo sanad ah heyn doona xilkan, wuxuuna la guddoomin doonaa Volker Bozkir oo u dhashay dalka Turkiga oo dhowaan loo doortay guddoomiyaha Golaha Guud, waxaana laga sugayaa diyaarinta ajendayaasha Golaha Guud, iyo xallinta dhibaatooyinka dalalla Qaramada Midoobay.
Soomaaliya ayaa hore xilalka guddoonka Golaha guud ee Q/Midoobay u soo qabatay sanadihii 1963-64(18th session), 1979-1980 (34th session), 1986-87(41s session).