Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa kala diray shir magaalada Nairobi uga socday qaar ka mida maamul goboleedyada Soomaalida oo ku saabsanaa Amniga Badaha Soomaalida.
Shirkaas oo markii hore lagu waday inay ka qeyb galaan xubno ka kala socda dowladda Federaalka iyo maamulada dalka, laakiin waxaa ka baaqsaday dowladda Federaalka iyo Somailand, iyadoo ay ka qeyb galeen xubno ka socday maamulada Puntland, Galmudug iyo Jubaland.
Safiirka Soomaalida ee Kenya ayaa la sheegay inuu tegay xaruntii shirku ka socday, isla markaana uu kala diray shirka oo ay ku sugnaayeen wakiilo ka socday UNSOM,FAO,EUCAP NESTOR, UNODC, IMO iyo OBP.
Sida uu sheegay madixii ka socday Puntland Cabdirasaaq Maxamed Dirir maalintii qorshuhu ahaa inuu soo xirmo shirku oo ku beegnayd August 17, 2016, lana diyaarinayo War-murtiyeedka shirka ayuu safiir Jamaal oo uu wehliyo C/raxman Sheekh Ciise oo amray in shirka lagu kala tago.
Safiirka ayaa sheegay inuusan jirin shir danbe oo la qabanayo ilaa inta laga gaarayo bisha November 2016, Isaga oo intaas ku daray inuu amarkaas ka haysto Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid.
Goobjooge.com