Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamur Axmed Nurr (Tarsan) oo dib ugu laabtay dalka Kenya ayaa shaaciyey in safaaradda dib u shaqo bilaabeyso.
Safiirka oo ka hadlay xaflad ka dhacday xarunta safaaradda ayaa sheegay in xiriirka Kenya iyo Soomaaliya uu marna fiican yahay marna xumaado, laakiin aysan dadka kala go’i karin ayna yihiin walaallo, wuxuuna amaanay sida dowladda Kenya ay ugu ganacsatada Soomaalida ugu sahashay ganacsiga.
Safaaradda Soomaalida oo muddo lix bilood ah shaqadeeda hakad ku jirtay ayaa hadda dib ugu shaqo bilaabaysa Isniinta soo socota, waxaana adeegyada ay bixiso ka mida Basaasaboorka, Waraaqaha Go-Home-ka iyo adeegyo kale.
Soomaaliya iyo Kenya ayaa dib u soo celiyey xiriirkii diblomaasi, kadib muddo uu khilaaf xoogleh hareeyay, waxaana hadda labada caasimadood dib ugu laabtay labada safiir.
