Tuesday, June 24, 2025

Safiirka Soomaaliya ee Turkiga oo dalkii Saddexaad safiir ahaan loogu diray

Safiirka Soomaaliya u fadhiyey dalka Turkiga Ambassador Jaamac C/llaahi Caydiid ayaa loo magacaabay inuu Soomaaliya wakiil uga noqdo dalka Azerbaijan.

Safiirka oo xaruntiisu tahay magaalada Ankara, Turkey ayaa ahaan doona safiir aan deganeyn dalka Azerbaijan oo ah dal ay xiriir xoog leh leeyihiin Turkiga, Soomaaliyana aanay hore diblomaasi ula lahayn.

Madaxweynaha dalka Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa saaka ka guddoomey warqaddii aqoonsiga ee danjiranimada Safiirka Soomaaliya iyo 9 safiir oo kale oo ka socda dalalka caalamka.

“Somalia iyo Azerbaijan waxay lahaayeen xidhiidh walaaltinimo, waxayna ku wada jiraan OIC iyo UN. Maanta waxaa u bilaamay xiriir toos ah oo laba-dhinac ah. Waxaan sidoo kale Soomaaliya danijre aan fadhiyin uga ahay dalka Turkmenistan oo dhammaadkii 2019 warqadaha la iga guddoomey” ayuu yiri Safiir Ceydiid oo ka hadlay xiriirka usub ee Somalia iyo Azerbaijan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON