Thursday, January 20, 2022

Xisbiyada Waddani iyo UCID oo ku heshiisay Awood Qeybsiga maamulka magaalooyinka Hargeysa & Burco

Wadahadallo u socday madaxda Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee Waddni iyo UCID ayaa heshiis hoose looga gaaray awod qeybsiga magaalooyinka qaarkood, kadib markii dood ka dhalatay Duqa magaalada Hargeysa.

Labada Xisbi oo sameystay isbaheysi ayaa arrintii ugu horeysay ee ka hor timid waxay noqotay cidda qabaneysa Duqa caasimadda Hargeysa (Mayor) oo hore UCID u sheegay inuu jiray heshiis lagu siiyey, taasina waxay ka hor timid xaaladda la dhalatay doorashada oo musharaxa ka tirsan Waddani ee C/kariin Axmed Mooge uu helay codadkii ugu badnaa si cadna u sheegay inuu doonayo xilka Duqa Hargeysa.

Wadahadalkii xisbiyada Waddani iyo UCID ayaa keenay in hesiis cusub laga gaaro Duqa Hargeysa oo Waddani la siiyey iyo musharaxooda shacbiyadda baddan ee C/kariin Axmed Mooge, halka Xisbiga UCID la siiyey Duqa magaalada Burco iyo ku-xigeenkiisa inay isku qaataan.

Ad

Waxaa kaloo hore loo siiyay xisbiga UCID inuu qaato Duqa magaalada Berbera; wuxuuna heshiiska dhigayaa in labada xisbi ay xubnaha kusoo baxay golayaashooda degmooyinka isku codeeyaan, sidaasina heshiisku ku fulo.

Dhinaca kale tartanka loogu jiro Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee Baarlamaanka Somaliland ayaa lagu wadaa inay labada xisbi ka heshiiyaan oo la siiyo Musharax kasoo jeeda Waddani, iyadoo hal musharax oo kaliya uu Waddani u soo baxay, kaasoo kasoo jeeda Beesha uu kursiga u asteysan yahay, laakiin shanta xildhibaan ee kale ayaa kasoo wada baxay Xisbiga Kulmiye.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

160,859FansLike
2,535FollowersFollow
5,939FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

160,859FansLike
2,535FollowersFollow
5,939FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!