Wednesday, June 25, 2025

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya iyo Wafdi la socda oo maanta tegay Magaalada Hobyo [Sawirro]

Wafdi uu hogaaminayo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar ayaa maanta gaaray degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Wafdiga Turkiga waxaa magaalada ku soo dhoweeyay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo xubno tirsan Galmudug oo saacdo ka hor Hobyo u tegay soo dhoweynta wafdigan.

Wararka laga helayo Hobyo ayaa sheegaya in safiirka dowladda Turkiga uu booqday xarumo ay ka mid tahay halka laga dhisayo Dekedda degmada Hobyo. Turkiga ayaa dadaal loogu jiraa inuu ka qeyb qaato dhismaha dekadda Hobyo oo maalgelin loo raadinayo.

Madaxwayne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay doorka ay Turkiga ka qaadan karaan taageerada maamulka Galmudug iyo dhismaha kaabayaasha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON