Safiirka Turkiga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Olgan Baker ayaa maanta tegay magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland.
Socdaalka safiirka Turkiga ee Puntland ayaan wax faahfaahin ah laga bixin, waxaana kulan uu xarunta madaxtooyada Puntland kula yeeshay Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas), iyo madax ka tirsan Maamulkaasi.
Dowladda Turkiga oo mashaariic badan ka fulisay Muqdisho ayaa muddooyinkii ugu danbeeyay cabasho iyo dacwado ka helay Puntland oo ku saabsan inay taageerada ku ekeeyeen Muqdisho.
Safiirka Turkiga oo fadhigiisy yahay Muqdisho ayaa safarkiisa ku soo beegmay iyadoo magaalada Garowe uu ku sugan yahay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, isla markaana Puntland iyo DFS wadahadal ku saabsan qaabka doorashada sanadkan u socdo.
Goobjooge.com