Musharaxa xilka Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa galabta waxa uu kulan la qaatay safiirka cusub ee Ingiriiska u soo dirtay Soomaaliya David Concar.
Safiirka ayaa maalmo kooban joogay Muqdisho, isagoo ugu yeeray inuu la kulmo. Kulanka oo ka dhacay xarunta Xalane ee Safaaradda UK wuxuu sheegay Sheekh Shariif inay ka wada hadleen arrimaha Doorashada Soomaaliya iyo walaaca ay qabaan musharixiinta in loo adeegsado musuqmaasuq.
AKHRI QORAALKA SHARIIKA EE FACEBOOK
Mr David Concar oo ah safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa galabta igu casuumay xarunta safaaradda UK ee Muqdisho, waxaan ka wada hadalnay xaaladaha guud ee dalka iyo tan doorashooyinka, waxaanna u muujinnay sida beesha caalamka aan ula qabno walaaca ku saabsan musuq-maasuqa doorashooyinka, iyada oo aan isla eegnay muhiimadda ay leedahay isbedel dhanka hoggaanka ah oo Soomaaliya ka dhaca 2017.