Thursday, June 26, 2025

Safiirkeena Mareykanka: “Dadka lagu celiyay Soomaaliya waa Dembiilayaal & dad sharci loo diiday…” [DHAGEYSO]

In ka badan 90 Soomaali ah oo laga soo masaafuriyay dalka Mareykanka ayaa laga dejiyay magaalada Muqdisho.

Arrintan oo ku soo beegantay iyadoo uu xilka la wareegay madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump, ayaa safaaradda Soomaalida ee Mareykanka ay sheegtay in arrinta masaafurinta Soomaalida ay ka horeysay madaxweyne Trump.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Mareykanka Axmed Cawad ayaa oo sheegay in dadka la celiyey ay isugu jiraan dad dambiyo ka galay Mareykanka iyo dad iska soo dhiibay dalkan balse loo diiday magan galyo oo maxkamad ay goysay in la celiyo.

Safiirka wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in la ogeysiiyay si loogu sameeyo waraaqo ay dalkooda ku noqdaan, wuxuuna intaas ku daray inaan la is weydiin khatarta ay ku noqon karaan dadkooda haddiiba ay dalkooda ku noqonayaan.

DHAGEYSO WAREYSIGA VOA-DA

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON