Thursday, July 17, 2025

Safiirkii ugu horeeyay ee Mareykan ah muddo 25 sano kadib oo Muqdisho yimid

Safiirkii ugu horeeyay ee si rasmi ah dowladda Mareykanka u soo magacawdo Soomaalia

ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho isagoo waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Safiirka cusub Stephen M. Schwartz  oo dhowaan lagu dhaariyay magaalada Washington ayaa maanta waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay wasiir C/salaam Hadliye Cumar, iyadoo lagu wado inuu isla maanta waraaqihiisa aqoonsiga si rasmi ah uga gudoomo madaxweyn Xasan Sheekh.

Mareykanka oo si buuxda u aqoonsaday dowladda aan KMG-ka ahayn ee Soomaaliya ayay muddo 3 sano ah ku qaadatay inuu Safiir rasmi ah u soo diro Soomaaliya, kadib markii safiir uu hore madaxweyne Obama ugu magacaabay Soomaaliya ay xilkaasi ka cudurdaaratay.

Safiirka cusub ee Mareykanka u fadhin doona Soomaaliya Ambassador Schwartz ayaa sheegay in danjire Mareykanku u soo magacaabo Soomaaliya ay calaamad u tahay xiriir xoog leh oo ka dhaxeeya labada dal, ayna fursad u tahay inuu Soomaaliya kala shaqeeyo dib u dhiska dalkoda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON