La-talyaha Madaxweynaha Soomaaliya Salaad Cali Jeele ayaa saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho, isagoo shirkii ay magaalada Nairobi ku yeesheen siyaasiyiin iyo xildhibaanno ku tilmaamay qaran dumisnimo.
Wuxuu sheegay Salaad Cali Jeele in shirkii Nairobi lagu qabtay iyadoo laga dacwoonayo dowladii dalka ka jirtay oo la leeyahay in la dumiyo xukuumadii dalka uu macnaheedu yahay burburin iyo qas abuur, wuxuuna sheegay inay ku fiicneyd siyaasiyintaasi inay ka hadlaan arrimaha danta ugu jirto umadda Soomaaliya sida doorashooyinka iyo dagaalka lagula jiro argagixisada.
Salaad Cal Jeelle oo madaxweynaha Soomaaliya ka difaaca warbaahinta, kana mida xubno Madaxtooyada u qoran si ay ugu ololeeyaan madaxweyne Farmaajo ayaa joogto u qabta shirar jaraa’id.