Sunday, July 6, 2025

Saraakiil Alshabaab ka tirsan oo lagu qabtay howlgal ciidamo Mareykan & Kenyan ah ku qaadeen duleedka Kismaayo

Ciidamada Kenya oo ay taageerayaan ciidamo Mareykan ah iyo Soomaali ayaa maanta kahawlgal ka sameeyey duleeda waqooyi galbeed ee magaalada Kismaayo.

Ciidamada AMISOM ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku bartilmaameedsadeen goob ay ku sugnaayeen maleeshiyada Al-Shabaab, isla markaana howlgalka lagu soo qabtay 7 ka tirsan Alshaabaab, lana burburiyay  goob lagu sameeyo waxyaabaha qarxa sida ay sheegtay AMISOM.

Waxay AMISOM baarteeda twitter-ka ku sheegtay inay la wareegeen hub isugu jira rasaas iyo hub kaleba oo ay kooxda la beegsaday adeegsanayeen.

Al-Shabaab ayaa dhinaceeda sheegtay in weerarka ay ku soo qaadeen ciidamo iskugu jira Kenyan iyo Maraykan, islamarkaana ay khasaare gaarsiiyeen dibna u waabiyeen weerarka. Waxay kaloo intaas ku dareen in miino lagu aasay dhulka ay burburisay baabuur nooca Beebaha loo yaqaan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON