Saturday, September 13, 2025

Saraakiil hordhac u ah Booliska AMISOM ee la geynayo magaalada Garbahaarey oo gaaray…

Sarakaal ka tirsan Booliska AMISOM ayaa maanta gaaray magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo.

Saraakiishan waxaa Garoonka magaalada kusoo dhoweeyay madaxda Gobolka Gedo iyo degmada Garbahaarey, waxaana la sheegay inay yihiin hordhac sii diyaarinaya xarumaha la dejiynayo ciidamada Booliska AMISOM ee tagaya magaalada.

Arrintan ayaa qeyb ka ahayd heshiiska labaad ee Doorashada Soomaaliya oo 27-kii May lagu saxiixay magaalada Muqdisho, waxaana Amniga Doorashada sugaya ciidamada Booliska AMISOM iyo Booliska.

Socdaalka saraakiisha Booliska AMISOM ayaa qaadanaya dhowr maalmood, waxaana la fiayaa in magaalada Garbahaarey la geeyo tiro ka mida Booliska AMISOM ee Muqdisho ka howlgala.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON