Monday, July 14, 2025

Saraakiil Itoobiyaan ah oo heshiis dhex dhigtay Ahlu suna & sarkaalkii ka goostay Galmudug (Dhageyso)

Maamulka Ahlu suna ee Goboladda Dhexe ayaa maanta heshiis buuxa la galay Gaashaanle Dhexe Liibaan Maxamud Yuusuf (Madaxweyne) oo ka tirsanaa ciidamada Galmudug oo isaga iyo ciidamo uu wato ay dhowaan kasoo goosteen magaalada Cadaado una galeen Ahlu suna.

xeefow

Heshiis ka kooban dhowr qodob oo Liibaan iyo ciidamadiisa uga mid noqonayaan Ahlu Suna ayaa looga dhawaaqay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Ahlu suna iyadoo uu saxaafadda u akhriyay Afhayeenka iyo xoghayaha Warfaafinta Ahlu suna Mursal Sheekh Yuusuf Xeefow.

DAARO OO DHAGEYSO CODKA AFHAYEENKA AHLU SUNA

Sarkaalka ciidamada dowladda iyo maamulka Galmudug ka goostay ayaa labadii maalin ee ugu danbeysay waanwaan kula jiray kooxda Ahlu suna isagoo diiday  inuu ka mid noqdo markii hore, waxayna wararku sheegayaan in  heshiiska ay goobjoog ka ahaayeen oo taageerayeen ciidamada Itoobiya ee AMISOM ka mida kuna sugan Dhusumareeb.

Labada dhinac ee isku biiray ayaan kusoo hadal qaadin shirkooda jaraa’id maamulka Galmudug waxayna sheegeen inay iska kaashanayaan la-dagaalanka Alshabaab.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON