Wednesday, June 25, 2025

Saraakiil iyo Askar loo xiray Falkii lagu dilay Guddoomiyihii Degmada Hodon iyo Baaritaan lagu bilaabay…

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilkii naxdinta lahaa ee xalay saqdii dhexe kadib lagu dolay Gudodomiyihii degmada Hodon C/xakiin C/raxmaan Ciise (Dhega-juun).

Wararkii ugu dambeeyay ee kiiskan ayaa sheegaya in Taliska ciidamada Booliska uu falkan u xiray saraakiil iyo askar ka tirsan ciidamada oo ahaa kuwii mas’uulka ka ahaa barta ciidan ee lagu dilay Guddoomiye C/xakiin Dhega-juun.

Askarta iyo saraakiisha loo xiray falkan ayaa gaaraaya 9, waxaana ka mida laba sarkaal ee taliyeyaasha ka ah saldhigyada Hodon iyo H/wadaag, sida laga soo xigtay saraakiisha ciidamada Booliska, waxaana bilowday baaritaanka rasaastii ay ciidamada ku sugan Isgoyska Aaden Cadde ku fureen Gaarigii uu la socday guddoomiyaha degmada Hodon.

Mas’uulkan ayaa ku baxay gacanta ciidamada dowladda, isagoo shalay uun kasoo laabtay dalka Turkiga oo loga soo daweeyay dhaawac kasoo gaaray qarax Alshabaab la beegsadeen Gaarigiisa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON