Maamulka Puntland ayaa maanta magaalada Gaalkacyo kusoo bandhigtay ciidamo ka goostay dowladda Soomaaliya oo isu dhiibay maamulkooda.
Ciidamadan oo isugu jira sarkaal iyo askar ayaa ka kala tirsanaa Booliska Haramcad iyo milateriga Gorgor ee dowladda Turkigu tababartay, waxaana ay sheegeen inay go’aansadeen inay degaanadooda dib ugu laabtaan markii ay wixii ay filayeen ka waayeen iyo dowladnimo Soomaaliyeed.
Waxaa ciidamadan magaalada Gaalkacyo kusoo dhoweeyay Wasiirada Maaliyada iyo Amniga Puntland oo ay wehliyaan Taliyaha Daraawiishta iyo Guddoomiyaha Gobolka Mudug ayaa ku soo dhaweyey xarunta Madaxtooyada magaalada Gaalkacyo.
Saraakiisha lasoo bandhigay waxaa ka mida:
Xiddigle Maxamed Yuusuf Maxamed (Xoogga dalka – Gorgor)
Xiddigle C/raxmaan Jaamac Muuse (Xoogga dalka Gorgor)
Xiddigle Bishaar C/llaahi Clai Nuur (Xoogga Dalka Gorgor)
Xiddigle C/samad Cawil C/llaahi (Xoogga Dalka-Gorgor)
Dhowaan ayey ahayd markii ciidamadii ugu horeeyay ee ka goostay dowladda Soomaaliya ay soo bandhigtay Somaliland, markii ay iska dhiibeen magaalada Hargeysa, waxaana sii kordhaya ciidamada dowlada Soomaaliya tababarka sare u dirtay ee isaga tegaya talisyadoodii, kuna biiraya maamullada ka jira degaanada ay kasoo jeedaan.


