Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in Saraakiil Alshabaab Muddo kooban la wareegeen degaan ka tiran degmada Cadaaado ee xaruntii hore ee maamulka Galmudug, ahna xarunta Baarlamaanka maamulkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in degaanka Baxdo ay Caawa tageen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Alshabaab, Saraakiisha ayaa gudaha u galay degaanka, waxaana ciidamo kale u fadhiyeen duleedka Baxdo, iyagoo shacabka degaankaasi uga khudbad u jeediyay masjidka weyn ee halkaasi ku yaalla.
Dadka degaanka ayaa sheegay saraakiishaan oo degaankaasi laga yaqaan ay wateen laba Gaari ay salaada cishaha ay ku tukadeen masjidka ayna Salaaddii cishaha kadib khudbad u jeediyeen dadka degaankaasi.
Labada sarkaal oo dadku aqoonsadeen ayaa kala ahaa Cali Katiin iyo Ciise Dheere oo kasoo jeeda beesha Xaaji Saleebaan, iyagoo bulshada u sheegeen inaysan wax dhibaato ah u wadin, waxayse kadigeen la shaqeynta Galmudug.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya saraakiishan ay daqiiqado kadib ka baxeen magaalada, iyagoo aaday dhianca Koofurta, xaaladda ayaa ah mid degan iyagoo ciidamo kooban oo Boolis ahaa ay ka baxsadeen degaanka Baxdo.