Monday, July 14, 2025

Saraakiil ka tirsan Alshabaab oo lagu qabtay Degmada Qoryooley

Wararka laga helayo degmada Qoryooley ee gobolka  Shabellaha hoose ayaa sheegaya in howlgallo Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen xaafadaha degmadaasi  ay ku soo qabteen Saraakiil ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga degmada Qoryooley Cabdi Axmed Cali  ayaa sheegay in howlgaladaasi ciidamadu ay  fuliyeen lagu soo qabtay labo saregaal oo  ka tirsan ururka Alshabaab. wuxuu intaas ku daray in mid ka mida ragga la soo qabtay uu yahay shaqsigii qarxiyay Buundadii degmada Qoryooley,halka midka kalena uu ku sheegay inuu yahay Guddoomiyaha Zakawaadka Al-Shabaab ee Degmada Qoryooley ugu qaabilsanaa.

Ciidamada Milatariga iyo kuwa AMISOM ayaa Maalmahaan Baaritaano ka waday Degmada iyo degaano hoosyimaada. Dhanka kale Al-shabaab wali kama hadlin wax ka jira Warka ka soo baxay Maamulka Degmada Qoryooley ee ah in ay hayaan Rag ka tirsan Shabaab.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON