Madaxda sare ee kooxda Alshabaab oo qalalaase ku saabsan in lagu biiro Daacish ka dhex taagan yahay ayaa bilaabay in la xirxiro saraakiil ka tirsan kooxdaasi oo la sheegay inay taageersan yihiin khilaafada Daacich (ISIS).
Wararka laga helayo kooxda dhexdeeeda ayaa sheegaya in xubnaha la xirxiray ay ku dhow yihiin 10 xubnood, waxaana ugu danbeeyay Maxamed Cabdulalahi Sardheeye oo ka mida saraakiisha heerka dhexe ee kooxda.
Kooxda Alshabaab qeybta ku sugan Buuraha Galgala ee degaanada Puntland ayaa dhowaan sheegay inay bu biireen oo cahdi la galeen imaarada Daacish, iyadoo khilaafka kooxda soo dhex galay uu saameyn weyn ku yeeshay qeybaha dacwada iyo saraakiisha heerka dhexe ee kooxda oo la dhacsan in Daacish lagu biiro iyo madaxda sare ee kooxda oo si weyn u diidan kuna dhegan inay ka mid ahaadaan Alqaacida.
Goobjooge.com