Laba Taliye oo ka tirsan ciidamada gaarka ee Mariiniska Mareykanka ayaa loo oggolaaday inay dib u shaqo galaan, kadib, markii lagu waayey eedeymo ahaa inay kufsadeen qaar ka mid ah Haweenka ka tirsan Ciidamada Maraykanka ee ku sugan gudaha dalka Somalia ee ay jaalka ahaayeen.
Labada Sarkaal oo lagu kala magacaabo Taliye Jarrod Donaldson iyo Jon Franklin waxaa bishii May ee sanadkan dib loogu celiyey dalka Maraykanka, waxaana loo sheegay inay dib u shaqo geli karaan, inkastoo ay muteysan doonaan Ciqaab dhanka Maamulka ah.
Saraakiisha Difaaca ee Maraykanka waxay sheegeen in mid ka mid Taliyayaashaasi lagu soo eedeeyey inuu xod-xodasho ah kula kacay Askariyad Maraykanka, xilligii askartaasi loo daad-gureynayey howlgalka ka socda Soomaaliya.
Dhinaca kale, Labada Sarkaal ee loo fasaxay inay dib u hawl-galaan waxay ka tirsan yihiin ciidamada gaarka ee Mariniska Maraykanka ee US Navy Seal ee ka hawlgala Saldhigyadda Milliteriga Maraykanka ku leeyihiin dalalka Jabuuti iyo Somalia, kuwaasi oo Milateriga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka taageera La-talinta ee La-dagaalanka Alshabaab.