Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Alshabaab ay ka dishay maleeshiyo fara badan dagaallo ku dhex maray gobolka Jubada Hoose.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya ayaa sheegaya in dagaal xoog leh oo boqolaal Alshabaab ah kusoo qaadeen degmada Afmadow todobaadkii hore ay uga carareen meydka 140 dagaalame.
Kenya ayaa ku doodeysa in maleeshiyo gaareysa 500 oo ka tirsan Al-Shabaab ay soo weerareen Afmadow, iyadoo laga diley tiro fara badan.
Dagaalkii Alshabaab ku qaaday Afmadow 23-kii Bishan Oktoobar ayaa la soo weriyay in lagu dilay 3 qof oo ay ka mid yihiin askari ka tirsan ciidamada Jubba iyo haweeney rayid ah, mana jirin wax meyd ah oo lagu arkay Afmadow.
Sheegashada Kenya oo marar badan lagu muujiyo tiro aan macquul ahayn in laga dilay Alshabaab ayay saraakiisha Kenya bilaabeen kadib dagaalkii Ceel Cadde ee askarta badan looga laayay Kenya.
Goobjooge.com