Tuesday, July 15, 2025

Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka oo dib u habeyn lagu sameeyay [9 Sarkaal oo xilalkoodii la baabi’iyey]

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaacisay in dib u habeyn lagu sameeyay saraakiisha ciidammada milateriga Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah qorsha cusub ee lagu wajahayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in isbedel lagu sameeyay Hogaanada Ciidanka oo markii hore ahaa 23 Hogaan, balse haatan lagu soo Koobay 13 Hogaan, Waxaana lagu soo biiriyay dhalinyaro Saraakiil ah oo dibada wax lagu soo baray.

Wasiir Mursal ayaa caddeeyay  in Madaxweyne Farmaajo uu degay xarunta Taliska Ciidanka ee Dhismaha Wasaarada Gaashaandhiga, halkaas oo Todobaadkii udanbeeyay Madaxweynaha u ehayd Hoy iyo Xarun Shaqo.

Isbedelka hoggaannada taliska ciidamada xoogga dalka ayaa saameyn ku yeesay 9 sarkaal oo u badan Jeneraallo kuwasoo shaqada laga fariisiyey, kadib markii waaxyihii ay ku magacawnaayeen la baabi’iyey, taasoo ahayd tallaabadii ugu weyneyd ee isku shaandheyn lagu sameeyo taliska ciidamada Qalabka sida.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON