Wararka laga helayo gobolka Bakool ayaa sheegay in dagaallo culus oo ka dhacay gobolkaasi degaano hor leh loogala wareegay kooxda Alshabaab oo inta badan Gobolkaasi laga saaray kooxdan kadib markii toddobaadkii ugu dambeeyay ciidamadii Itoobiya kuwa dowladda Soomaaliya ay weeraro ku qaadeen.
Tuulada Ceel-cali iyo degaanka Buq Goosaar ayaa ka mida degaanadii ugu danbeeyay ee laga saaray Alshabaab. Sida ay sheegayaan saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Bakool waxaa dagaaladii ugu danbeeyay kooxda Alshabaab lagu qaaday duleedka degmada Tiyeglow ayaa looga dilay in ka badan 20 maleeshiyo iyadoo 11 kale lagu qabtay dagaaladaasi oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Saldhigyadii Alshabab ee gobolka Bakool ayay saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya sheegeen in laga saaray oo gacanta lagu dhigay, kooxdii Alshbaabna ay hadda u gudbeen gobolada Bay iyo Bakool.
Ma jirto cid madax bannaan oo caddeyn karta sheegashada ciidamada dowladda, balse howlgallo xoog leh oo gobolka Bakool ka socda ayaa saameyn ku yeeshay dadka degaankaasi oo in badan oo kamida ay ka qaxeen guryahooda.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]