Saraakiisha ciidamada dowladda Somalia ayaa xaqiijiyey in Qarax miino oo ka dhacay duleedka Muqdisho ay shalay ku dhinteen askar ka tirsan ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo DANAB markii gawaari ay la socdeen ay haleeshay miino xoog leh.
Qaraxa oo ka dhacay degaanka Xaawo Cabdi ee duleedka Muqdisho ayaa la sheegay inay ku dhinteen 6 askari oo ka mida ciidamada Danab, waxaanaka mid ahaa Sarkaal sare oo ka tirsan Danab isla markaana caan ka dhex ahaa ciidamada Kumaandooska, kaasoo lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Cismaan (Maxamed Yare).
Maxamed Yare ayaa la sheegay inuu taliye u ahaa cutubkii ugu horeeyay ee ciidamada Kumaandooska Somalia ee Mareykanku tababaray, waxaana lagu tilmaami jiray sarkaal dhalinyaro ah oo hormuud u ahaa ciidamada, kuna caan baxay howlkarnimo.
Sarkaalkan ayaa ka mid ahaa saraakiishii hoggaamineysay Ciidamadii dowladda Soomaaliya ee Magaalada Marko ka saaray Al-shabaab., wuxuuna dilkiisu imaanayaa maalmo kadin weerarkii Alshabaab ee xerada Balidoogle oo qasaare xoog leh kasoo gaaray Alshabaab.
Alshabaab ayaa sheegtay qaraxa weyn ee shalay lagu dilay ciidamada Danab, waxayna tirada askarta dhimatay ku sheegtay 16 iyo dhaawac ka badan. Waxaa si weyn u kordhay Qaraxyada Miinooyinka ee Alshabaab ku leyso ciidamada iyo Saraakiisha sare ee dowladda, iyadoo uu dhowaan qarax kan la mida ka badbaaday guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida.