Thursday, June 26, 2025

Sarkaal ilaaladiisa ay Rasaaseeyeen ciidamada xasilinta Muqdisho oo xabsi loo taxaabay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la xiray saraakiisha ciidamada dowladda.

Sarkaalkan ayaa la sheegfay in loo dhaadhiciyay xabsiga NISA ee Godka Jilacow, kadib markii la sheegay in ilaaladiisa ay rasaaseeyeen ciidamada xasilinta amaanka magaalada Muqdisho ee isku dhafka ah.

Sarkaalka la xiray ayaa caan ka ah xaafadda Sey Biyaano ee magaalada Muqdisho waxaana uu hore u ahaa hogaamiye beeleed dhibaatooyin badan ka geystay magaalada Muqdisho xilligii dowladii C/llaahi Yuusuf, waxaana  lagu magacaabaa Mahad Doolar.

Ciidamada ammanka ee xasilinta Muqdisho oo howlgallo ka waday Muqdisho ayaa la sheegay inay rasaas kala kulmeen ilaalada Mahad Doolar oo si kedis ah ay isku dhaceen Suuqa Beerta ee degmada Hodon.

Kumaandooska Soomaaliya & Mareykanka oo u gurmaday ciidamo AMISOM

Ciidamo gurmad ah oo markii dambe goobta gaaray ayaa gacanta ku soo dhigay Korneyl Mahad Dollar, iyadoo madax ka tirsan dowladda iyo xildhibaano ay dadaal ugu jiraan in la sii daayo.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON