Ciidamada Kenya ee ku sugan magaalada Baardheere ayaa la sheegay inay xireen oo muddo saddex maalmood ah xabsiga ugu jiro sarkaala ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya oo lagu magacaabo Col. C/casiis Sheekh Cali (Aftaag).
Sarkaalka la xiray ayaa la sheegau inuu tegay degmada Baardheere isagoo sheegaya in dowladda Federalka u sloo magacawday taliyaha booliska degmada Baardheere.
Sarkaalka ayaa ku jira xabsi ay maamulaan ciidamada Kenya waxaana xarigiisa la sheegay inuu ogyahay madaxweyne ku xigeenkii hore ee Jubba C/llaahi Fartaag.
Ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan Baardheere ayaa ku dhaqaaqa tallaabooyin ay faraha kula galayaan arrimaha maamulka gobolka Gedo iyo degmada Baardheere.
Goobjooge.com