Saturday, July 19, 2025

Sarkaal ka tirsan Ciidamada NISA oo toogasho lagu dilay

Sarkaal ka tirsan ciidamada sirdoonka ee NISA ayaa la sheegay in toogasho khaarijin ahayd lagu dilay.

Wararka ayaa sheegaya in koox Bistoolado ku hubeysan ay xalay degmada Afgooye ku dileen sarkaalkan ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugidda, iyadoo falkaas kadib ka baxsaday goobta dilka ka dhacay.

Dadka degaanka ayaa sheegya in ciidamada ammaanka ay Howlgal  ka sameeyeen degmada Afgooye, waxaana lagu soo qabqabtay dhalinyarro looga shakiyey inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Afgooye ayaa ka mida meelaha ugu darran ee dilalka qorsheysan ay ka fuliyaan kooxda Alshabaab, iyadoo aan lagu guuleysan in laga hortago falalkaasi

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON