Horjooge ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa la sheegay in lagu qabtay Gobolka Shabeelada Hooose.
Ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya oo howlgal ka sameeyay degaanka Farxaano, ee degmada Qoryooley ayaa qabtay sarkaalkan oo la sheegay inuu aha Madaxii Abaabulka kooxda Al-shabaab ee Qoryooley, gobolka Shabellaha Hoose.
Maamulka degmda Qoryoole ayaa sheegay inay sargaalka iyoiIllaaladiisa ay gacanta ku dhigeen, isla markaana loo gudbin doono magaalada Muqdisho.
Horjoogahan ayaa la sheegay inuu caan ka yahay degaankaasi, waxaana magaciisa lagu soo gaabiyay Cabbaas.
Goobjooge.com