Sarkaal ka tirsanaa kooxda Alshabaab ayaa la sheegay in lagu dilay dagaal ka dhacay degaanka Kudhaa ee Gobolka Jubadda Hoose.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda Difaaca Kenya ayaa lagu sheegay in sarkaalkan oo lagu macgaabi jiray Baashe Nuur Xasan lagu dilay weerar ay koox Alshabaab ah ku soo qaadeen xerada ciidamada Soomaaliya ee Kudhaa.
Ciidamada AMISOM ee Kenya iyo kuwa Soomaaliya oo is kaashanaya ayaa loo adeegsaday madaafiic hoobiyeyaal ah iyo hubka culus, waxaana qoraalka lagu sheegay in lagu dilay 2 Alshabaab ah, iyadoo lagu dhaawacay tobabaab kale.
Ciidamada Kenya ayaa caadiyan sheegta inay laayeen ama dileen tirooyin kala duwan oo ka tirsan Alshabaab, iyadoo Alshabaab ay beeniyaan sheegashada Kenya.