Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay is-rasaaseyn dhex martay ciidamo ka wada tirsan Milateriga Soomaaliya.
Ciidamadan oo kala shakiyey ayaa is-rasaaseyntoodu bilaabtay markii dhinac ka mida uu isku dayey inuu rasaas uu kor u riday ku furto jid ciriiri ahaa agagaaraka Isgoyska Warshada Caanaha, taasoo keenay inuu dhinacii kale rasaasta ka jawaabo.
Waxaa la xaqiijiyey inuu qof oo shacab ah ku dhintay, hal mid uu dhaawac ka soo gaaray, waxaana dhinac ka mid la sseegay inay ahaayen ciidamo ka amar qaata sarkaal lagu magacaaao Liibaan Maxamud Yusuf (Liibaan Madaxweyne) oo ka mid ah saraakiisha ciidamadii la baxay Badbaado Qaran.
Ciidamada la soday sarkaalka ayaa la sheegay inay u qaataan rasaasta jid furashada ahayd mid iyaga loola dan lahaa, taasoo keenay inay ka jawaabaan, kadibna ay qasaare ka dhasho falkaasi.
