Col. C/nuur Jaamac Jookar oo kamid ahaa Saraakiishii Hore ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed ayaa shaaciyay ciddii jabsatay xafiiska Hanti dhowraha Qaranka Soomaliyeed ee ku yaala Xarunta Madaxtooyadda Soomaliya.
Waxa uu sheegay in wax micno gaar ah aysan ku fadhinin dhicii dhawaan loo geystay xafiiska Hanti dhowraha Qaranka Soomaliya oo ku yaala Xarunta Madaxtooyadda Soomaliya, waxa uuna sheegay in arintaas ay ka dambeeyeen shaqsiyaad ka Tirsanaa Dowladii Xasan Shiikh Maxamuud oo ka howlgal Villa Soomaliya.
“Dhaca loo geystay xafiiska Hanti dhowraha Qaranka Soomaliya ee ku yaala Xarunta Madaxtooyadda Soomaliya wax weyn ma aysan aheyn, waxaa ka dambeeyay ragii ka tirsanaa dowladii Hore ee xarunta Madaxtooydda Soomaliya muddo ku shaqeynaysay, ujeedka ugu weyn waxa uu ahaa in dhibaato loo geysto dowladda Cusub ee Soomaliya”, ayuu yiri Korneel C/nuur Jaamac Jookar oo kamid ahaa Saraakiishii Hore, isagoo aan wax caddeyn ah bixin.
Dhaca loo geystay xafiiska hanti dhowrka ayaa loo qabtay dhowr qof iyadoo uu socdo baaritaan ku saabsan ciddii ka danbeysay, waxaana hadalka sarkaalkan hore u muuqdaa mid laab la kac ah.
Goobjooge.com