Monday, July 14, 2025

Sarkaal Qaraxyada u qaabilsanaa Alshabaab oo isu dhiibay Ciidamada dowladda [Akhriso]

Sarkaal ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa la sheegay inuu maanta isu dhiibay ciidamada Dowladda ee ku sugan Gobolka Gedo.

Horjoogahan ayaa lagu magacaabaa  C/casiis Xasan Heybe (Bishaar), wuxuuna saaka isku dhiibay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed qeybta ku sugan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Taliyaha ururka 49-aad ee Guutada 9-aad ee Ciidamada Xoogga Soomaaliya oo ku sugan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo Faarax Maxmed (Turbac)  oo u waramay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa xaqiijiyay in horjoogahaasi uu isku soo dhiibay ciidanka Xoogga Dalka oo ku sugan Gobolka Gedo.

Mas’uuliyiin iyo saraakiil katirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sugan Gobolka Gedo ayaa ku soo dhaweeyey Degmada Baardheere, Horjoogahaasi oo Arggagixisada Shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada iyo miinooyinka ay Shabaab ka fuliyaan deegaano hoostaga Degmada Baraawe ee Shabeeladda Hoose balse isku dhiibay ciidamada Dowladda ee ka howlgala Gobolaka Gedo.

Horjoogahan  ayaa da’diisa lagu qayaasaya 25-30 jir,kaasi oo haatan gacanta ugu jira Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan guutada 9-aad.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON