Tuesday, June 24, 2025

Sarkaal sare oo u geeriyooday dhaawacii iska hor imaadka Boosaaso

Col. Cabdi Siciid Cadde oo ka mid ahaa saraakiishii ku dhaawacantay is ka hor imaadkii dhex maray ciidamada Booliska iyo kuwa Birmadka ayaa u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Sarkaalkan ayaa la dheegay inuu dhaawaciisa ahaa mid culus, oo ka timid israsaaseyntii dhexmartey ciidamada Puntland sida ay eheladiisa.

Korneyl Cabdi Siciid Cadde ayaa ku geeriyooday isbitaalka Daryeel oo dhaawaca soo gaarey Kelyaha lagu dabiibayey.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab  iyo taliye ku xigeenka ciidanka Birmadka  Cali Axmed Cali ayaa weli lagu daweynayaa goobo caafimaad oo ku kala yaala magaalada Boosaaso.

Korneyl Cali Axmed ayaa la sheegay in xaalkiisu culus yahay, halka wasiirka lagu sheegay in xaaladiisu degan tahay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON